TOP DHAGEYSO : Indha-qarshe oo amray in Ciidamada Nafadaa laga saarayo Isbitaal Martiini.

0

Ciidamada Naafada ee ku jira Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho,kuna Naafoobay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya Sanadkii 1977 ayaa sheegay in Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe uu Amray in si Deg Deg ah Ciidamada Naafada looga saaro Isbitaalka ay dagan yihiin.

Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka ee Lixaadkoodu uu dhiman yahay Cabdi Mahad ayaa sheegay in Saraakiil ka socota Ciidamada Milatariga oo sheegaya in uu soo tiray Taliyaha Guud ee Ciidamada Xoogga ay dul dhooban yihiin,kuwaa oo u sheegay in MUdo 15 Cisho ah ay ku baneeyaan Isbitaalka.

Sidoo kale Afhayeen Cabdi Mahad ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabtaan Arrintaan oo hadii laga saarayo halka ay dagan yihiin la siiyo meel ay ku noolaadaan,maadaama ay Lixadkoodii ku waayeen Difaaca Dalka Soomaaliya.

Cabashada Ciidamada Naafada ee ku jira Isbitaalka Martiini ayaan aheyn Markii ugu horeysay oo ay sheegaan in Xoog looga saarayo Isbitaal Martiini oo ay Sanado badan ku noolaadeen.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka