DEG DEG : Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Garoowe.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in xalay Magaaladaasi uu ka dhacay qarax khasaaro geystay.

Qaraxaan oo ahaa Bambada nooca gacanta laga tuuro, ayaa la sheegay inuu ka dhacay gaari yar oo yaallay wadada dhinaceeda, wuxuuna yaallay gaariga Suuq Inji halka loo yaqaan, meel ku dhaw mehrada Xalwo Kismaayo.

Saddex ruux ayaa la sheegay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ahaa Dhalinyaro wadada dhinaceeda mareysay xilliga Baabuurkaan Bambada ay kasoo dhacday.

Baabuurka qaraxa uu kasoo dhacay, ayaa la sheegayaa inay wadatay haweenay, ilaa hada lama oga waxa qaraxa u saaray haweenaydaasi gaariga ay wadatay iyo ujeedka ay laheyd intaba.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay Isbitaalka Magaalada Garoowe, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo.

Booliska Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya inay baaritaan  ku sameynayaan qaraxa iyo sida uu gaariga uga soo dhacay, iyadoo dadkii ku sugnaa meesha qaraxa uu ka dhacay ay kala yaaceen xilliga bambada ay qaraxday.

Magaalada Garoowe, ayaa waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ammaankooda fiican yahay, marka loo eego ammaanka deeganada Maamulka Puntland.