TOP : Shabaab oo xukun ku fuliyay nin lagu eedeeyay inuu kufsaday haweenay+Magaca.

0

Ururka Al Shabaab ayaa xukun waxa ay ku fuliyeen nin lagu eedeeyay inuu kufsaday haweenay dadka deegaanka aheyd, waxaana xukunkaan uu ka dhacay shalay galab fagaaro ku yaallo deegaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Maxkamada Al Shabaab ee deeganaka Galhareeri ayaa ninkaan waxa ay ku eedeysay inuu kufsaday haweenay ka mid aheyd dadka deegaanka, kadibna dacwadiisa lasoo gaarsiiyay maxkamada cadeymo rasmi ahna loo helay.

Ninka xukunka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabaa Saciid Cali Rooble, waxaana lagu dhuftay 100 Karbaash, maadaama sida ay sheegeen Shabaabka ninkaan uusan horay guur u soo marin.

Qaadiga maxkamada Shabaab ee Galhareeri, ayaa sheegay xukunkaan inuu yahay xadu Zinaa, maadaama ninkaan uu ku kacay fal Zino ah, maxkamada horteedana la keenay cadeymo.

Bulsho badan ayaa daawanaysay goobta ninkaan xukunka lagula fuliyay ee deegaanka Galhareeri, kadib markii Shabaabka ay dadka ay ku wargeliyeen  inay kasoo qaybgalaan xukunkaan oo ka dhacaya Fagaaro weyn oo ku yaallo deegaanka Galhareeri.

Gabadha la sheegay in la kufsaday ayaa lagu magacaabaa Sacdiyo Daahir Cali Raage, waxaana goobta joogay ehelkeeda oo ku faraxsanaa xukunkaa ninkaan lagu fuliyay.

Shabaab ayaa fuliya xukunada noocaan oo kale ah deeganada ay ka joogaan Gobolada dalka Somalia.