TOP DHAGEYSO WAREYSI : Soomaali Farabadan Oo Tahriib Ku Mara Dalka South Sudan.

0

Dalka South Sudan waxa uu kamid yahay waddamada la sii mariyo dadka sida sharci darada ah loo tahriibiyo waxaana u badan dadkaasi da’yar soomali ah oo doonaya in ay gaaran wadamada yurub, kuwaas oo la sii mariyo dalka libiya.

Ciidammada ammaanka ee South Sudan ayaa dhawan bilaabay in ay xirxiraan dadka ay ka shakiyaan ee sida sharci darada ah ku sii mara dalkaasi.

Shalay in ka badan 70 qof ayaa ku dhintay badda Liibiya kadib markii doonidii ay saarnayeen ay la qalibantay.

Wariyaha BBC-da Maxamud Cali oo howlo shaqo u tagay Magaalada Juba ayaa waxaa uu arrimahaasi ka wareystay ku sii simaha safiirka soomaaliya u fadhiya South Sudan Maxamed Cusman Maxamed.