TOP DHAGEYSO : Dooni ka Baxsatay Burcad-Badeedda Somalidda Taas oo lagalahaa dalka…..

0

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dooni laga lee yahay dalka Iran iyo 16 badmaaxiin oo saarnaa ay ka baxsatay burcad-badeed Soomali ah oo afduub ahaan ugu haystay xeebta Ceel-Huur ee gobolkaas.

Si rasmi ah looma ogga qaabka doonidu u baxsatay, balse warar ayaa sheegaya in badmaaxiintu ay ka xoog badiyeen 4 burcad-badeed ah oo doonidaasi haystay.

Doonidan ayaa waxa ay ka mid ahayd 2 doon oo laga lee yahay dalka Iran iyo dad gaarayey 36 qof oo gacanta ugu jiray burcad badeedda Soomaalida.
Mid ka mid ah labada doon iyo 20 qof oo kale, ayaa weli u afduuban burcad badeedda.

Cabdullahi Maxamuud oo ku sugan Hobyo ayaa idaacadda  VOA-da uga warramay sida ay doonidan uga baxsatay burcad-badeedda.