Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen guuleed ayaa ka codsaday baarlamanka Maamulka Galmudug in ay codka Kalsoonida siiyaan Golihiisa wasiirada cusub
C/kariin xuseen guuleed oo Hadal Kooban ka jeediyay kulankii ku dhawaaqiska Golaha wasiirada Dowlada Goboleedka Galmudug oo xalay loogu dhawaaqay Madaxtooyada Galmudug ayaa codsi Balaaran u jeediyay Baarlamanka Maamulka Galmudug
Golaha Wasiirada Ee uu Soo Dhisay Mudane C.kariim Guuleed ayaa ka Kooban 24 Wasiir 24 Wasiir ku xigeen iyo 4 W.dowle.
Dhawaan waxaa La horgeyn doonaa Baarlamanka Maamulka Galmudug si codka Kalsoonida ay u siiyaan Golaha wasiirada Cusub ee maamulka Galmudug oo xalay Lagu dhawaaqay