Wararka ka imaanaya gobolada Bay iyo Bakool ee Koonfurta soomaliya ayaa sheegaya In xarakada al-shabaab ay dib ula wareegeen Goobo dhawaan ay la wareegeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom
Deeganada ay la wareegeen al-shabaab waxaa kamid ah deeganka Ceel-baar ee Gobolka Bay iyo deeganka Ceel Boon oo u dhow degmada waajid ee Gobolka Bakool
Xiriiro aynu la sameeyay dadka labada deeganka ayay inoo sheegeen in al-shabaab ay haatan gacanta ku yahaan labada deegaan ee Ceel-baar iyo Ceel Boon ee Gobolada Bay iyo Bakool
Ciidamada dowlada soomaliya oo garab ka helaya ciidamada Midowga Africa ee amisom ayaa dhawaan waxay la wareegeen qeybo kamid ah Gobolada Bay iyo Bakoool ee Koonfurta soomaliya