Xubnaha ugu Sareeya Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe ayaa maalmihii ugu Dambeeyay waxa ay magaalada Dhuusamareeb ku yeelanayeen Shirar is daba jog ah oo looga hadlay Masiirka Maamulka iyo Mowqifkooda ku aadan Maamulka lagu dhisay Cadaado ee Galmudug.
Sidoo kale waxa ay ka hadlayeen arimaha la xiriira Xarig Cadaado loogu geestay Mid ka mid ah Madaxwayna ku xigeenada Ahlusunna iyo dib uhelidda Xuriyadiisa.
Hadaba markii ay shirarkaasi soo dhamaadeen ayaa waxa ay qabteen shir saxaafadeed waxaana shir saxaafadeedkaasi ka hadlay xubno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Madaxwayne xigeenka Ahlusunna Cali Baashi Faaarax iyo Madaxwayne xigeenka kale ee xuriyadiisa helay Proff. Daacad.
Halkaan Hoose ka dhagayso Shirka Jaraaid oo dhamaystiran: