TOP DHAGEYSO : Puntland oo ka walaacsan Amaanka Xuduudaha ay la wadaagto Galmudug iyo Somaliland.

0

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Coocade oo waraysi siiyay Mid ka mid ah Telefishinada Afka somaliga ku hadla ayaa waxa uu ka hadlay Arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xuduudaha Puntland ay la leedahay Maamullada Somaliland iyo Galmudug, iyo sidoo kale xiriirka Puntland kala dhaxeeya DFS.

Wasiirka ayaa sheegay in xilligaan colaad laga hurinayo Gobollada dhexe isla markaana Puntland aysan raali ka noqon doonin in la khalkhal geliyo Maamulkeeda, waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday Arimaha Gobollada Sool iyo Sanaag uu sheegay in Somaliland wali ay wado Daandaansi Dagaal.

Mar wax laga waydiiyay Wasiir Soocadde xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo DFS ayuu sheegay in DFS xilligaan ay umuuqato in ay sii luminayso Kalsoonida Maamullada ay la leedahay isla markaana uu yahay xiriirka labada dhinac mid aan wanaagsaneyn.

Halkaan ka dhagayso Codka Wasiirka Warfaafinta Puntland: