Guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre Max’ed Jeex ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degmadaasi in ay tahay mid la isku halleyn karo.
Guddoomiye Jeex ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay howl gallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyaan deegaanada iyo tuulooyinka hoostaga degmada Baraawe e Gobolka Shabeelaha Hoose , wuxuuna soo hadal qaaday in dhawaan kulan amniga looga hadlayay l;a qaateen saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM islamarkaana la isku agrtay in la iska kaashado sugida Nabad Gelyada.
Magaalada Baraawe oo ay dhawaan la wareegeen Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo is garabsanaya ayaa deegaanada iyo tuulooyinka hoostaga degmadaasi waxa ay xaaladeeda tahay mid degan.