Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay dadka ku xiran Xabsiyada ku yaallo magaalada Muqdisho inuusan ku jirin, hal ruux oo lagu soo eedeeyay musuq maasuq, isaga oo su’aal iska weydiiyay sababta keentay arintaasi.
Mahad Cabdalla wuxuu sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia inay ka gaabiyeen la xisaabtanka Hay’adaha Xukuumadda Federaalka Somalia, maadaama muhiim ay tahay dadka ku kacaayo falalka musuqa ah in gacanta lagu soo dhigo oo lala xisaabtamo.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay arinta la xisaabtanka Xildhibaanada inay ka gaabiyeen, oo wuxuu sheegay taasi inay tahay awood ay haystaan Xildhibaanada Baarlamaanka, balse sidii loogu talo galay aysan u isticmaalin.
“Kumanaan dad ah ayaa ku xiran xabsiyada, hadana kuma jiro qof loo soo xidhay Musuq maasuq, waxa weeye arintaasi Xildhibaanada inay ka gaabiyeen awood la xisaabtan oo ay haystaan, waa dhibaato adoo awood leh inaad awoodaadi si wanaagsan u isticmaali weysay.” Ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlaayay kulanka Baarlamaanka ee shalay Muqdisho ka dhacay.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sidoo kale sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in laga doonaayo inay la xisaabtamaan Hay’adaha Dowladda.
Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa horay u sheegay Xukuumadii tan ka horeysay in Wasaarado badan oo ku dhawaad 20 gaarayay lagu helay musuq, balse weli aysan jirin shaqsi maxkamad loo soo taagay wax isdaba marin uu sameeyay.
Madaxda Dowladda ayaa caado ka dhigtay ku tagri falka hantida qaranka, maadaama dalka uusan ka jirin isla xisaabtan buuran oo ku aadan falalka ay ku kacayaan masuuliyiinta Dowladda.