TOP DHAGEYSO+SAWIRRO: Galmudug iyo Garab Kamid ah Ahlusunna Oo Cadaado heshiis ku Gaaray+Akhri.

0

Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maanta heshiis awood qeybsi ah ku kala saxiixday magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamul goboleedka Galmudug.

Heshiiskan ayaa dhigaya sidii Ahlusuna uu uga mid noqon laheyd Maamulka Galmudug, waxaana heshiiskan uu suura gelinayaa in Ahlusuna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug, Wasiirada, Taliyeyaasha ciidanka iyo maamulada la dhisayo.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Guddoomiyaha Golayaasha Ahlusuna Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa heshiiskan labada dhinac u kala saxiixay.

Waxaa saxiixa heshiiskan goob joog ka ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanada Federaalka iyo Galmudug, Guddoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Sheekh Maxamed Axmed Faarax Iyo Guddoomiyaha Talada Sheekh Cumar Cabdiqaadir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha Heshiiskan lala saxiixday ay ahaayeen garab ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlusuna, inkastoo aan la ogeyn mowqifka ay ka qaadan doonaan xubnaha Ahlusunada kale ee fadhigooda yahay Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

Xubnaha heshiiskan saxiixay ayaanay ku jirin xubnihii dhowaan Dhuusa Mareeb loogu doortay Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusuna, gaar ahaan Madaxweynihii iyo Madaxweyne kuxigeenayaashii kale.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la filayaa inuu soo magacaabo Golaha Wasiirada, waxaana ka dhex muuqan doona xubnaha Ahlusuna iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka.

DHAGEYSO KHUDBADII MADAXWEYNE GUULEED.

Akhri qodobadda heshiiska HOOSNA KA SII DAAWO SAWIRRO BADAN:

wari_54 2 3 4 5

DAAWO SAWIRADDA XAFLADDA:

DSC09633 DSC09638 DSC09652 DSC09658 DSC09659 DSC09668 DSC09672 DSC09687 DSC09692 DSC09725