Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo Baarlamaanka Soomaaliya ka hor hadlayay ayaa sheegay in aysan wax Wada Shaqeyn ah la hayn Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOm iyo kuwa Milatariga Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukumaddii KMG aheyd hadana ah Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Arrintaasi ay ka Xaqiiq sadeen Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya islamarkaana aysan Ogeyn Sababta,balse baaritaan lagu hayo.
Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise waxaa uu soo hadl qaaday Sababaha Ciidamada AMISOM ay uga baxaan Goobaha laga qabsado Al-shabaab,waxaana uu xusay in AMISOM ay Arrintaasi ka wada hadleen oo ay ogaadeen Sababta keenta bixitaankooda.
“Ciidamada AMISOM Saraakiishooda markii aan weydiinay waxaa ay noo sheegeen in ay tahay Sababta in aysan jirin cid u kala dab qaadeysa Ciidamada AMISOM iyo Shacabka ku nool Goobaha la qabsaday,maadaama Ciidamada Milatariga Soomaaliya aysan nala socon”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka: