LIVE U DHAGEYSO : Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Cadaado.

0

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay gaareen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo sida la sheegay ka qeyb gali doono heshiis ay Magaalada Cadaado ku kala saxiixanayaan maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Heshiiskan ayaa la doonayaa in lagu dhameeyo khilaafka ka dhaxeeyay Maamulka Galmudug oo dhawaan lgu yegleelay Magaalada Cadaado iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna oo isna isku magacaabay Magaalada Dhusaamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Ilo wareedyo la hadlay All-Galgaduud Media (AGGM) ayaa sheegaya in Ahlu Sunna ay dalbadeen in ka dhex muuqdaan Xildhibaanada Maamulka Galmudug waxaana sidoo kale ay sheegeen in ay doonayaan in laga 10 Wasiir laga siiyo Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ee dhawaan la soo magacabi doono.

Warar ay heleysho AGGM ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay aqblaan hadalada ka soo yeeray Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Snna Waljameeca.

hoos ka dhageyso: