LIVE : Dagaal Beeleed Khasaaro geystay ka dhacay ka dhacay Gobolka Galgaduud.

0

Ugu yaraan 1 Ruux ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Dagaal Beeleed Culus oo ka qarxay Degaanka Soorakeey oo u dhaxeeya Ceelbuur iyo Galhareere ee Gobolka Galgaduud.

Dadka Degaanka ayaa sheegaya in Dagaalka uu yimid kadib markii labo Maleeshiyo Beeleed ay isku qabsadeen Ceel biyoodyo halkaasi ku yaala.

Wararka ayaa sheegaya in Xiisad Dagaal oo u dhaxeysa labada Beel ay ka aloosan tahay Degaanka Soorakeey oo u dhaxeeya Ceelbuur iyo Galhareere ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab Xubno ka tirsan ay waan waan ka dhex wadaan Maleeshiyada ku dirirsan Degaanka Soorakeey