FAAH FAAHIN : Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo oo ka Hadlay dagaaladii ka dhacay Gobolka Gedo.

0

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolka Gedo ayaa ka Hadlay Dagaalkii shalay ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya

Maxamed cumar Mahad oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolka ayaa sheegay in qasaaro xoogan la gaarsiiyay ciidamo ka Tirsan al-shabaab oo dagaal ay kula Galeen qeybo kamid ah Gobolka Gedo ee koonfurta soomaliya

Dhanka kale Maxamed cumar Mahad ayaa sheegay in Gobolka Gedo ay wali ay ku sugan Yihiin ciidamo ka Tirsan al-shabaab aan xiligaan la dhihi Karin al-shabaab Gabi ahaanba waa laga saaray Gobolka Gedo

Hadalka sarkaalkaan kamid ah ciidamada dowlada ee Gobolka Gedo ayaa kusoo aadaya xili Ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa al-shabaab ay shalay ku dagalameen qeybo kamid ah gobolka Gedo ee Koonfurta dalka soomaliya