Ugu yaraan 4 ruux oo Soomaaliya ah ayaa la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen dhulka saxaraha ee udhaxeeya dalalka suudaan iyo masar kuwaasoo doonayey in ay gaaraan dalka liibiya si ay ugu sii gudbaan dalalka qaarada yurub.
Dadkaasi muhaajiriinta ah oo ku safrayey laba gaari ayaa tiro ahaan gaarayey ilaa iyo afar iyo labaatan ruux oo soomaali oo ka sudan kuna sii jeeday dalka masar.
Afarta qof ee ku geeriyootay oo ahaa saddex nin iyo gabar dhalanyaro ah ayaa u dhintay gaajo iyo haraad,
Warar kale ayaa sheegaya in qaar ka mid dadka geeriyooday ay jirdileen kooxaha wax tahriibiya .
Saxaharaha udhaxeeya libiya,sudan iyo masar oola sheegay in saxaraha ugu kulul dunida ayaa la sheegaa in uu yahay mid sadexaad ee ugu weyn adduunka kaasoo gaaraya ilaa 9400,000 km oo isku weer ah,kaasoo udhaxeeya dalalka liibiya,chad masar,mali maurtania,morocco,niger,Tunisia iyo sudan.
Dhimashada Somalia muhaajiriinta ah ayaa ku soo beegmaysa xilli dalalka qaarada yurub ay la daalaa dhacayaan qaabkii loo qaabili lahaa kumanaan muhaajiriin ah oo ku qul qulaya Qaarada Yurub