Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi ay Goor dhaw Heshiis ku kala saxiixan doonaan Maamulka Galmudug iyo Ururka Ahlusunna Waljamaaca.
Wariyaasha ka Howlgala Magaalada cadaado ayaa looga yeeray Madaxtooyada Maamulka Galmudug oo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka kala socota Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Labada Dhinac ay halkaa ku Saxiixi doonaan Heshiis,waxaana ay ka danbeysay kadib Wada hadalo maalmahaan u socday Labada Dhinac.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa dhawaan dib u dhigay Magacaabista Golaha Wasiirada Maamulkaasi si loo dhameeyo Khilaafka kala dhexeeya Ahlusunna.