DEG DEG : Ninkii dilay Labadii Wariye ee Mareykanka oo geeriyooday.

0

Ninkii ka dambeeyay toogashada lagula dhaqaaqay labo suxufi oo ka shaqeynaysay Tv-ga WDBJ7, ayaa geeriyooday kadib markii ninkaasi dhaawac uu isaga isku geystay ugu dambeyn Isbitaalka ugu dhintay.

Lester Flanagan oo ah ninka toogashada geystay, ayaa markii uu toogtay labada suxufi ka baxsaday goobta oo wuxuu ku cararay gaari uu watay, iyadoo ay eryanayeen Booliska, balse jidgooyo ay dhigeen Booliska markii uu jiiray ayuu wadada ka baxay gaarigii uu watay, isaga oo ku yaallo dhaawac uu isaga isku geystay.

Booliska oo ninkaasi gacanta ku dhigay ayaa geeyay Isbitaalka, si xaaladiisa caafimaad loo dabiibo, balse dhaqaatiirta ayaa sheegay goor dambe inuu u geeriyooday dhaawaca uu qabay Lester Flanagan.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa weerarka ninkaasi uu geystay, wuxuu ku tilmaamay mid muujinaysa waxyeelada ka dhalan karta adeegsiga hubka dadka ay haystaan oo Mareykanka caadi ka noqotay.

Labada Suxufi ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Alison Parker iyo Adam Ward, waxaa lagu dilay Magaalada Roanoke Ee Gobolka Virginia.

Dhacdadaan ayaa noqotay mid aad loo hadal haayo, inkastoo toogashooyinka caynkaan oo kale ah ay ka dhacaan gudaha dalka Mareykanka.