Top News: Al Shabaab Oo Dilay Gudoomiye Ku Xigeenki Balad Xaawo Iyo Taliyihi Boliiska Luuq..

0

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Dagaal ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaareey lagu dilay gudoomiye ku-xigeenkii degmada Baladxaawo iyo Taliyahii ciidamada Booliiska ee degmada Luuq.

Dagaalka oo ahaa mid u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona goortii danbe dagaalka uu sababay geerida labadaasi Mas’uul.

Mas’uuliyiinta la dilay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Yacquub oo ahaa gudoomiye ku-xigeenka Baladxaawo iyo Taliyaha Luuq oo isna lagu magacaabayay Cabdi Howsar.

Saraakiisha Ciidamada DF Somalia ee degmada Baladxaawo, ayaa AGGM u xaqiijiyay in Gudoomiye ku-xigeenka iyo Taliyahaasi ay ku baxeen gacanta Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiishu waxa ay sheegtay in hal goob lagu wada dilay labadaasi Mas’uul kadibna ay Al-shabaab isku dayeen inay qaatan Meydadkooda, hayeeshee laga dhigay.

Dhanka kale, Dagaalka lagu dilay labadaasi Mas’uul ayaa waxaa qaaday Maleeshiyaadka Al-shabaab, xilli mas’uuliyiintaan ay la socdeen ciidamo howlgal ka wada gobalka Gedo.