TOP DHAGEYSO : Wasaaradda Caafimaadka oo wada Qorshe lagu soo helinayo Isbitaaladii Dalka.

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Xukuumadda Soomaliya Marwa  Xaawa Xasan ayaa waxaa ay sheegtay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii loo heli lahaa Isbitaalo iyo Shaqaalihii ka shaqeyn lahaa kuwaas oo leh tayo wanaagsan.

Wisiir Xaawa Xasan ayaa tilmaantay in ay diiradda saarayaan in ay helaan qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen Hosbitaaladaas si ay u noqdaan kuwo dhameystiran oo Bulshado ka heli karto adeegyo caafimaad oo dhankasta ah.

Wasiirka  Wasaaradda Caafimadka ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in dhawaan dib loo furayo Hosbitaaladda Dalka kuwaas oo qaarkood ku burburay Dagaaladii Dalka ka dhacay waxaa kale oo tilmaantay  in Hosbitaalka Lanzareti qeyb ahaan dhismihiisa la dhameystiray goordhowna lafurayo.

Halkaan Riix si aad Codka u dhageysato