TOP DHAGEYSO : Suldaan Gureey Xaaji ” Madal Cusub Ayaan Dhawaan Kaga Dhawaaqaynaa Mareykanka “Kadib Dhibaatada Ciidamadda AMISOM”

0

Suldaan Gureey Xaaji Faarax Oo Kamid ah waxgaradka Somaliyeed ee ku dhaqan dalka mareykanka kana soo jeedda goboladda Jubooyinka ayaa shaaciyay in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan Madal Cusub Taas oo ay ku mideysanyihiin Dhamaan Umadda somaliyeed.

Isagoo La Hadlayay All-Galgaduud Media (AGGM) Ayuu Sheegay in aas aaska madashan Cusub ay ku abuurtay Dhibaatooyin Ay Dalka ka wadaan ciidamadda midowga Afrika ee AMISOM Gaar Ahaan Kuwa Kenya iyo Itoobiya Kuwaas oo Faragalin Toos ah ku Haya Siyaasadda Somaliya.

Wuxuu Sheegay in madashan Cusub Ay ka Qeybyihiin Dhamaan Dhinacyadda Somalidda, wuxunna docda Kale ka hadlay Awood La’aanta Madaxda Soomaalida Kuwaas oo Ka Hadli la’ dhibaatadda ciidamadda AMISOM Si gaar Ah Kuwa Itoobiya Ee Dhibaateynaya dadka shacabka ah.

HOOS KA DHAGEYSO: