Maxkamadan ku taala wadanka Mareykanka ayaa markale u diiday inay racfaan qaataan 2-haween Soomaali reer Minnesota ah oo lagu eedeeyay iney dhaqaalo u aruursheen Xarakada Al-shabab ee Soomaali ka dagaalanta.
Amina Farah Ali, 39, and Hawo Mohamed Hassan, 68, ayaa sanadkii 2011 lagu eedeeyay iney dhiiragaliyeen taageero xiligaa loo aruurinaye Al-shabab oo markaa awood balaaran kulahaa bartamaha iyo koonfurta dalka.
Maxkamada ayaa haweenkan Soomaalida ah kuheshay iney dhalinyaro uqoreen Al-shabab sidoo kalana ay lacag aad ufara badan ay u aruuriyeen Al-shabab , balse haweenkan ayaa ku dooday iney lacagahaas ay u aruuriyeen dadka saboolka ah ee soomaali ku dhibaateysan.
Aaamina Faarax Cali ayaa 20 sano lagu xukumay , halka Xaawo Maxamed-na lagu xukumay 10 sano , inkastoo hada loo diidanyahay iney racfaan qaataan.
FBI-da Mareykanka ayaa aamisan in kudhawaad 22 dhalinyaro reer Minnesota ah ay u baxsadeen Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-shabab tan iyo sanadkii 2007.