In ka badan 20 Ruux oo Soomaali ah oo lagu xiray Dalka Angola

0

Wararka laga helayo Dalka Angola ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Dalkaasi ay xabsiga dhigeen Soomaali tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 30 Ruux kuwaasi oo ku ganacsanayay qeybo ka mid ah Dalka Angola.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee lagu xir xiray Dalka Angola ayaa Ciidamada Booliska waxaa ay ku eedeeyeen in halkaasi ay uga ganacsadaan si sharci darro ah.

Maxamed Maxmuud Amiin oo ka mid ah Soomaalida halkaasi ku ganacsata ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da in Xabsiyada Dalkaasu ay ku jiraan Muwaadiin Soomaaliyeed oo tiradooda uu ku sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo 30 Ruux.

Ganacsade Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in ay haysteen Sharciyo Dal ku joog ah oo ay siiyeen Hay’addaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga Dalkaasi.

“Waxaan Dalka ku joognaa Waraaqo aqoonsi ah oo aan ka helnay Qarmada Midoobay balse Ciidamada Booliska ma tixgeliyaan waraaqahaasi” sidaasi ayuu yiri Maxamed Maxamuud.

Waxuu sidoo kale Maxamed qeexay Soomaalida halkaasi ku dhaqan intooda  badan in ay qorsheenayaa in ay u soo amba baxaan Caasimada Dalka Angola halkaasi uu ku tilmaamy in ay ka sii wadan karaan howlahooda ganacsi.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Angola ayaa la sheegayaa in dhowr jeer oo ah ay wadaha la yeesheeyeen Mas’uuliyiinta Dowladda Angola iyo Hay’addaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Qaxootiga balse aan weli waxba ka soo naasa cadaan wadahadaladaasi.

Ciidamada Booliska Dalka Angola ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ay wadaan howlgallo lagu qab qabanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ku ganacsada qeybo ka tirsan Gobolada Dalkaasi.