Wararka Hoose oo AllGalgaduud Media (AGGM) ay heshay ayaa sheegaya in Maalinta Beri ah (25-ka August, 2015) uu Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ku dhawaaqayo Golahiisa Wasiiradda, iyadoo Mashquul badan laga dareemayo Cadaado.
Madaxtooyadda Cadaado ayaa waxaa buux-dhaafiyay Odayaal gadaal ka riixaya Xubno Beelahooda u sharaxan inay Wasiiro ka noqdaan Golaha Wasiiradda, waxaana Wararku ay sheegayaan in Saddexda Mas’uul ee ugu saraysa GalMudug ay ku mashquulsan yihiin qabashada Codsiyada.
Golaha Wasiiradda Galmudug ayaa waxaa la filayaa inay kasoo dhex-muuqdaan Ahlu Sunna & Musharaxiintii la tarmayay C/kariin Guuleed markii ay socotay Doorashada Bishii Ramadaanka.
Baarlamaanka Galmudug ayaa 15 Maalmood ugu daray dhawaan C/kariin Guuleed inuu kusoo magacaabo Golahiisa Wasiiradda, waxaana Mudo-korarsiga uu yimid markii Madaxweynaha sidaasi codsaday si uu u qanciyo Maamulka Ahlu Sunna.