Munaasibad Balaaran Oo Lagu Qabtay Dagmadda Carmo ee gobolka Bari ayaa maanta Lagu daahfuray Tababar ay qaadanayaan Ciidamadda Booliska Puntland.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Puntland Janaraal Cabdirisaaq Afguduud ayaa maanta Daahfuray tababar ay qaadanayaan guud ahaan Ciidanka Booliska Puntland,waxaana tababarku uu ka bilowday Kulliyadda Ciidanka Booliska ee Carmo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in Ciidanka ay u samaynayaan Aqoonsi,isla markaana ay helayaan Xuquuqdooda,marka uu noqdo Askari garanaya Waajibaadka saaraan,wuxuu sheegay in laga gudbay waqtigii Puntland ay u diiwaan gashnaan jireen Kumanaan Askari ayna shaqayn jireen Askar kooban.
Munaasibad Balaaran Oo Lagu Qabtay Koliyadda Carmo ayaa waxaa ka qeybgalayaa Masuuliyiin Kala duwan Oo Isugu Jiray Wasirro, Gudoomiyayaal kala duwan, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin Kale Waxaanna Munaasibadaasi Laga soo Jeediyay Khudbaddo kala duwan.
Taliye Afguduud Oo Halkaasi ka Hadlay ayaa ciidamada usoo jeediyay Dar-daaran Xoogan.
HOOS KA DAAWO BANDHIGGA: