Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala argti duwan mooshinka dhawaan laga gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay dhex dhexaad ka noqdaan mooshinka looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xildhibaan Shariif Maxamed ayaa qeexay in Beesha Caalamka looga baahan yahay in ay ogaadaan in mooshinkan uu yahay mid lagu saxayo qaladka Dowlada isagoona tilmaamay in ay dardar gelinayaa mooshinkooda.
Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ku tilmaamay mooshinkaasi mid sharci daaro ah.
Prof Dalxa ayaa ugu dambeyn xusay in Xildhibaanadaasi ay gabeen howsha loo igmaday isagoona carabka ku adkeeyay in xiliga aan loo baahneyn in mooshin iyo waxyaabo la mid ah laga keeno Madaxweynaha Soomaaliya.