TOP NEWS : Maamulka Gobolka Sh/Hoose : “Al Shabaab waa laga saarayaa Gobolkan”

0

Maamulka Gobolka Sh.Hoose ee Dowladda Soomaaliya ayaa ugu hanjbaya Ururka Al Shabaab in laga saari doonao degaanada ay halkaasi kaga sugan yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Sh.Hoose, Cumar Maxamed Cilmi ayaa sheegay in Degaano ka tirsan Gobolkaasi uu ka bilaawday howlgallo lagu ciribtirayo Al Shabaab.

Gudoomiye Cumar Maxamed Cilmi oo sii hadlaya ayaa tibaaxay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka saari doonaan Al Shabaab degaanada fara ku tiriska ah ee halkaasi ay kaga sugan yiiihiin.

“Waxaa bilaawnay howlgallo looga soo horjeedo Al Shabaab waxaana ugu goolleenahay in Kooxdaasi aan uga saarno guud ahaan Gobolka Sh.Hoose ee Koonfurta Soomaaliya” sidaasi ayuu yiri Maxamed Cilmi.

Sikastaba, Hadalka Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sh.Hoose ayaa waxuu imaanayaa Xili Shalay Dagaal Culus ay ka dhaceen Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.