TOP DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH: Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliya oo Raaskanbooni Ku Eedeeyay Weerarkii kismaayo + Fadeexad Cusub.

0

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud & Guriyeenta Xukuumadda Somaliya, Maxamed Cumar Geedi, ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu ka masuul yahay weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee Sabtidii ka dhacay Jaamacadda Kismaayo, balse xilligan lagu tababaro Ciidan isku dhaf ah.

Wasiir Ku Xigeenka, ayaa sheegay in uu jiro tuhun badan oo ka dhan ah qaabkii uu weerarkaasi u dhacay, isagoo xusay in wadada gasha Jaamacadda Kismaayo aan loo ogolayn inay dadka iyo gawaariduba maraan, isla-markaana ay tahay aag ciidan.

 Maxamed Cumar Geedi
Maxamed Cumar Geedi

Arrinta kale ee shakiga abuurtay, ayuu sheegay inay ka dhalatay qaabka deg degga ah ee loo toogtay, nin la sheegay in loo xiray ku lug lahaanshaha weerarkaasi. Ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Sankuus, Oo ka tirsanaa Saraakiisha Maleeshiyadda raaskanbooni ee tababarka siisa Ciidanka ku xareysan xeradaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay gaarigii weerarka lagu fuliyay inuu ahaa mid yaali jiray xerada, wuxuuna su’aal ka keenay qaabka ay Al Shabaab ugu suurta gashay, inay weerar ka fuliso xero ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

Maxamed Cumar Geedi oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa ku baaqay in baaritaano sax ah lagu sameeyo qaabka uu weerarkaasi u dhacay iyo toogashada Sarkaalkaasi, isla-markaana ay baaritaanada ka qayb qaataan Hay’ado Caalami ah iyo Dowladda Federalka Somaliya.

Maahan Wax Cusub In Maleeshiyo Beeleedka Raaskanbooni Ay Dhibaato Ka Geystaan Magaallo Xeebeedka Kismaayo, Kuwaaas oo lagu dhibaateynayo Dadka shacabka ah iyo Ciidamadamo Aan Waxba Galabsan.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA: