TOP DHAGEYSO WARBIXIN : Shaqaalaha Dowladda Hoose Ee Boosaso Oo Maanta Banaanbax Xoogleh Dhigay “Mushaar La’aan”

0

Qaar Kamid Ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee dagmadda Boosaso ayaa Dibadbax Cabasho Ah Ka dhigay Gudaha Magaaladan Boosaso.

Dibadbaxaan Ayaa waxaa soo Abaabulay Qaar Kamid ah Shaqaalaha Oo Ka cabanayay Mushaar la’aan heysata Muddo 7-Bilood Ah.

Qaar Kamid Ah Banaanbaxayaasha Oo Saxaafadda La Hadlay ayaa Sheegay in Xaquuqdooddii La Duudsiiyay Ayna Ka soo Horjeeddaan.

Qaarkood ayaa Mar wax laga Weydiiyay Sababaha ay Mushaarkoodda Uwaayeen Waxey Sheegeen ineysan Waxa Rasmiga Ah Ee Looga Heysto,  Ogeyn.

Dhinaca Kale Duqa KMG Ah Ee Boosaso Maxamed Siciid Shabelle Ayaa Sheegay inuu Dibadbaxaasi Jirro Walow uu sheegay in isagu intuu Xilka Hayay Uu Bixinayay Mushaarka Shaqalaha Dowladda Hoose.

DHAGEYSO WARBIXIN: