Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Cumar Carte oo manta ka qeyb galay kulan lagu qabtay Magaalada Muqdisho loogana hadlayay caawinta dadka lixaadkoodu dhiman yahay ayaa sheegay in Dowladdu ay ballan qaadeyso wax u qabashada dadkaasi.
Kulanka oo ay ka qeyb galeenWasiirrada Waxbarshada iyo Caafimaadka ayaa la iskula soo qaaday sida loo caawin karo dadka lixaadkoodu dhiman yahay oo Bulshada ka mid ah islamarkaana dhibato badan ay ka heysato xafiis yada Dowladda.
Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Sahra Cali Samatar ayaa sheegtay in Wasaaraddeedu uu xil ka saran yahay caawinta iyo ogaanshiyaha dadkaasi,waxana ay intaa ku dartay in dadkani ay dhibaneyaal yihiin kuwaas oo u baahan in laga caawiyo dhamaan waxyaabaha aasaasiga nolosha ah ee ay xaqa u leeyihiin.
Wasiirad Sahra ayaa intaa ku dartay in ay ballan qaadeyso in ay meel mariso sharciga xaq dhowraya xuquuqda naafada ilaa uu madaxweynaha ka saxiixana ay xaqijineyso, waxaana ay intaa ku dartay in dadka Naafada ah ay leeyihiin xaqa Muwaaddiniinta kale ay waddanka ku leeyihiin.
Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka Xaawo Xasan Max’ed ayaa iyana dhankeeda sheegtay in aysan u diyaarsaneyn sharciyada siyaasadeedka Naafada laakiin ay dadaal badan wadaan waxna u qabanayaan inta tabartooda ah dadka lixaadkoodu dhimanyahay.
Wasiiraddu waxaa ay sheegtay in ay wadaan qorsheyaal dadka lixaadkoodu dhiman yahay uga mid noqonayaan shaqaalaha Wasaaraddeeda gaar ahaan Isbitaallada dalka.
Munaasibadda ay ka qeyb galeen Ra’isalwasaare ku xigeenka iyo Wasiirrada ayaa lagu abaal marinayay Hay’ado iyo shaqsiyaad kaalin muuqata ka geystay wax uqabashada dadka lixaad koodu dhiman yahay.