DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH: Kornayl Cabdiwahaab Cusman “Maleeshiyadda Raaskanbooni Wali Kismaayo Waxay Ka waddaan Xasuuqa Shacabka Baaq Uu U Diray DFS.

0

Kornayl Cabdiwahaab Cusman Aadan Oo Ahaa Taliyahii Militeriga Galbeedka Magaaladda Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose Ayaa Ka warbixiyay Dhibaatadda Maleeshiyadda raaskanbooni Ku Hayaan Shacabka Kismaayo,

Xilli Uu Caawa Uwaramayay Shabakadda All-Galgaduud Media (AGGM) Ayuu Ka Hadlay Dhibaatada Ka Jidha Deegaankaasi, Wuxuunna Si gaar Ah Oga Hadlay Askartii Dhawaan Maleeshiyada raaskanbooni Ku leysay Xeradda Jaamacadda ee Magaaladda Kismaayo,

Wuxuu Sheegay in Xasuuqa Askartii Sabtidii Ku Le’etay Ay ka Danbeeyeen Horjooge Axmed Madoobe iyo Kooxdiisa, Wuxuunna meesha ka saaray in weerarkaasi Ay Geysteen Ururka All-Shabaab.

Dhinaca Kale wuxuu sheegay in magaaladaasi ay ku xanibanyihiin Waxgarad iyo Saraakiil Ay Heystaan Maleeshiyadda Raaskanbooni iyo Ciidamadda Kenya Ee Qabsaday Magaaladda Kismaayo.

Hadalka Col. Cabdiwahaab Oo Kamid ah Saraakiisha Jubooyinka Ayaa Ku Soo Aadaya Xilli Sabtidii Ay Kooxda axmed Madoobe Xasuuqeen Askar Aan waxba galabsan Kuwaas Oo Ahaa Ciidamo isku Dhaf Ah Oo Ay Goobtaasi ku Tababaraysay Dowladda Somaliya.

Isku soo wada Duub maahan wax cusub in saraakiisha Dowladda ee Goboladda Jubbooyinka ay ka hadlaan xasuuqa ay Magaaladda kismaayo ka wadaan Maleeshiyo Beeleedka Raaskanbooni Oo Dilal iyo Afduub Joogta ah ku haya Dadka Shacabka ah.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA: