Dowlada Australia ayaa shaacay ka qaaday in la musuq maasuq lagu sameeyay gargaar ay ugu deeqday dalalka Papua New Guinea , Solomon, east Timor, Afghanistan iyo Somalia.
Madaxa waaxda gargaarka dibada ee dalka Australia Julia Bishob ayaa sheegtay in gargaar lagu qiyaasay ilaa 700,000 oo doolar ay ku luntay dalalkaasi iyadoo qeexday in qaab musuq lacagahaasi loo lunsaday.
Julia bishop ayaa intaasi ku dartay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen ay ku soo ogaadeen qaababkii lacagaahsi loo lunsaday.
Somalia ayey ku sheegtay in raashiin gargaar ah oo ku kacayey ilaa 87000 oo dolar lagu bililiqaystay magaalada muqdisho sanadki 2011 xilligaasoo Somalia ay ka jireen abaaro xoogan oo sababay in dad badan oo ka soo qaxay dhulalka miyiga ah aay soo gaaraan magaalada muqdisho.
Julia Bishob madaxa gargaarka ee waaxda arimaha dibada ee dalka Australia ayaa sheegtay in ay ugu xuntahay musuqa lagu sameeyay gargaar ay ugu yabooheen dalkaasi oo ay tilmaantay in ay ka jireen dhibaatooyin ku saabsan dhinaca bani’aadinimada.