DEG DEG : Mareykanka oo cambaareeyay Weerar khasaaro geystay oo ka kala dhacay Kismaayo iyo Muqdisho.

0

Wakiilka dowlada mareykanka u qaabilsan Somalia, James Mc Anulty ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday Xero ay laahaayeen ciidamada dowlada Somalia oo ku taala magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobalka Jubada hoose.

Wakiilka ayaa ka tacsiyeey dadkii rayidka ahaa iyo Ciidamada Dowlada Somalia ee ku geeriyooday qaraxaas,waxaana Weerarkaasi uu ku eedeeyay xarakada al shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Sidoo kale Wakill Jamac ayaa cambaareeyay Weerar kale oo ugu yaraan 5 Ruux oo ay ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

James Mc Anultry ergayga dowlada Mareykanka ee Somalia ayaa sheegay in dowlada mareykanka ay garab taagan tahay midowga dadka somaaliyeed iyo waliba la shaqaynta ciidamada midowga afrika ee Somalia iyo ciidamada dowlada federaalka ah ee Somalia,

Ugu dambeyn Mr. James ayaa ku booriyey in  madaxda ammaanka ay ku dadaalaan  sidii looga adkaana lahaa Kooxda al shabaab ee ka dirira Somalia