Daawo: Wiil Ka Mid Ahaa Soomaalida Mareykan Oo Lagu Dilay Puntland Iyo Waalidkiis Oo Sheegay…

0

Wiilkan Soomaaliga ah ee kasoo jeeda Gobolka Minnesota heystana Dhalashada wadanka Mareykanka ayaa lasheegay inuu udhintay Jirdil loogu dhaxgeystay Iskuul nuuca laseexdo ah oo kuyaala Deegaanada maamulka Puntland.

TV-ga FOX 9ee wadanka Mareykanka oo lahadlay Waalidka dhalay wiilkan ayaa sheegay iney aamisanyihiin in wiilkooda loo dilay “Ahaanshaha Mareykan”, ayna ka murugsanyihiin dilka wiilkooda.

Ammar Abdirahman , oo 17 sano jir ah waa wiilka lagu dilay Puntland waxa uu kudhashay Minnesota , balse bishii December sanadkii hore ayaa waxaa soomaaliya usoo diray Qoyskiisa si uu dalka gudihiisa ugu barto Dhaqanka Soomaaliyeed.

Hooyada dhashay Camaar ayaaa FOX9 usheegtay “ Wiilkeygu waxa uu ahaa qof wanaagsan , waxa uu jeclaa inuu dadka su’aalo weediiyo ,aad buu ujeclaa Soomaalida ,balse waa a jirdileen dabadeynta waa ay dileen, wiilkeyga”.

Ehelada wiilka ladilay oo FOX9 lawadaagay sawiro laga soo qaaday Meydka Camaar yaa muujinaye jirdil iyo garaac xoogan oo wiilkan dhintay korkiisa kamuuqday.