Koox Wariyayaal oo ka mid yahay Wariye ka tirsan Idaacadaan Mustaqbal ayaa maanta lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada xili ay War ka qaadayeen Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Soomaaliya.
Ilaalo ka tirsan Madaxtooyada ayaa Wariyayaasha ka qaaday qalabkii ay Warka kaga duubeen, iyadoo laga tirtiray dhamaan waxii Xog ahaa ee ugu duubnaa Qalabka.
Waxaa xusid mudan in Wararka lagu tirtiray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Radio Muqdisho sida ay sheegeen Saxafiyiinta.
Wariyayaasha ayaa Xarunta Madaxtooyada ka hor wareysiga Xildhibaanka kaga qeybgalay Munaasabad ay dowladda kula wareegeysay Gaadiid ay ugu deeqday Qaramada Midoobay kuwa Xabadda celiya ah.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Kulalihi oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlayay is hortaag Ciidamada Madaxtooyada ay ku sameeyeen isaga oo doonayay in uu la kulmo Madaxweynaha.
Halkaan ka dhageyso Xildhibaan Kulalihi: