(Dhageyso) Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo Dadka Galgaduud ugu baaqay ka shaqeynta Nabadda.

0

Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya oo ka hor hadlayay Odayaal ku shirsan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Gobolka Galgaduud in ay ka shaqeeyaan Nabada iyo Hormarka Gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa Tilmaamay in Dadka ku nool Gobolka looga baahan yahay ka shaqeynta Danta Dadka  ku nool Gobolka,waxaana uu Odayaasha ugu baaqay in markii Shirkaan uu u dhamaado ay u weecdaan Shirka Gogoshiisa ay taalo Magaalada Cadaado ee Maamulka loogu sameynayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa Hay’addaha Samafalka ugu baaqay in ay Gargaar Deg Deg ay la soo gaaraan  Dadka ku nool Gobolka oo Xaalad Adag ay haysato.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka:

Audio Player