(Dhageyso) 13-ruux oo Soomaali ah oo ku dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay dalka Suudaan.

0

13 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay dhuleedka magaalada Khartoum ee Caasimada dalka Sudan.

Dadkan ayaa sida la sheegay ku tahriibayey baabuur la sheegay in uu ku socday xawaare aad u dheereeya .

Waxa la sheegay in ay soo mareen Itoobiya oo ay doonayeen in ay u sii talaabaan dalka Libya.

Safaarada Soomaliya ee Sudan ayaa sheegtay in weli la isku dayayo in la aqoonsado maydadka ka hor inta aanan la aasin.

Sudan ayaa bilooyinkii la soo dhaafay waxa ay aad u adkeysay dal ku galkeeda waxa ay mamnuucday dadka sida sharci-darada ah ugu tahriibaya dalkeeda ama doonaya in ay sii maraan dalkeeda

Fiidow Mohamed Fiidow, waxa uu safaarada ugu qaabilsanyahay dhinaca warbaahinta, khatka telefoonka ayuu iigu waramay Mohammud Ali Mohamed

Hoos ka dhageyso Codka: