Daawo: Afhayeen Warsame: Axmed Madoobe iyo taageerayaashiisa waa ku fashilmeen Qorshihii ay Doolow ka wadeen

0

Afhayeen Qurba Joogta Jubaland iyo Galgaduud Mudane Cabdi Maxamed Warsame oo Warfidiyeenada Shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada London ayaa sheegay in ka qurba joog ahaan ay taageersanyihiin Shirka Midnimo ee Ka socda Xarun Goboleedka Gedo ee Garbaharay.

Mudane Warsame ayaa dhinaca kale sheegay in Horjooge Axmed Madoobe iyo taageerayaashiisuba ay ku fahsilmeen hanaan guracan oo ay ka wadeen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, kaasi oo ahaa waxa ay ugu yeereen Soo Xulista Baarlamaanka Jubba, isagoo hoosta ka xariiqay in fashil siyaasadeed ay adeegayaasha Axmed Madoobe Kismaayo kula laabteen.

      Daawo Muuqaalka Afhayeen Jubaland iyo Galgaduud ee Qurbaha