TOP NEWS:- Rag aasayay waxyaabaha qarxa oo ciidamada ammaanka Waqooyiga Gaalkacyo ay qabteen.

0

Ciidamada ammaanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo sida la sheegay aasayay waxyaabaha qarxa.

Labadaan nin ayaa lagu qabtay xaafada Xero Darwiish, waxaana la sheegay inay ku aasi rabeen waxyaabaha qarxa goob maqaayad ah oo dadka ay fadhiistaan, balse sheeda ay ka arkeen dad shacab ah oo Booliiska ku wargeliyay.

Ciidamada Booliiska Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo dhacdadaan lagu soo wargeliyay ayaa durba ku baxay halkii nimankaan ay ku aasayeen waxyaabaha qarxa, waxaana sidaasi lagu qabtay labadii nin.

Ciidamada ayaa raggaan u ka xeeyay dhinaca Saldhiga Booliiska oo iminka ay ku xiran yihiin, waxaana ku socota raggaan baaris sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliiska Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha weli ma aysan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan raggaan la qabtay iyaga oo aasayay waxyaabaha qarxa kuwaasi oo Saldhiga Booliiska ku xiran.

Magaalada Gaalkacyo waxaa dhawaan lagu dilay Taliyihii ciidamada cashuuraha Berriga ee Gobolka Mudug Duraan Cumar (Qaylo) oo ku geeriyoodey qarax ka dhashay bam gaarigiisa loogu rakibay.

Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku badan falalka dilalka qorsheysan iyo amnidarada ka dhacda Degmadaasi.