TOP DHAGEYSO:- Diyaarado joog hoose ku duulaya oo lagu arkay Hobyo.

0

Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maraakiib Dagaal iyo Diyaaradu Militari oo joog hoose ku duulaya lagu arkay Xeebaha Magaalada Dekada leh ee Hobyo.

Lama oga rasmi ahaan halka laga leeyahay Diyaaradaha iyo ujeedada ay ka leeyihiin Deegaanka , hase ahaatee imaanshiyahooda Hobyo ayaa la sheegayaa in ay timid xili halkaas la tuhunsan yahay in af-duub ahaan loogu heesto dad Ajanabi ah.

Xeebta Hobyo ayaa la sheegayaa in ay si aad ugu soo dhawaadeen Maraakiibtaas dagaal ee lagu arkay halkaas manata.

Hoos ka dhageyso: