Top 8 Maarso: Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi "Hadaanu Nahay Haweenka Soomaaliyeed Waxaan Nahay Udub Dhexaadka Dadka Iyo Dalka"….

0

Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi ayaa waxa ay maanta Hambalyo ku aadan munaasabada 8 Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed iyo Kuwa Caalamka.

Marwo Caasha Xaaji Cilmi ayaa waxa ay Hambalyo aan la koobi karin oo ku aadan munaasbada 8 Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka, waxa ayna sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay yihiin udub dhexaad dadka iyo dalka…

“Haweenka Soomaaliyeed waa cida kaliya ee ay sida dhabta ah u saameeyeen dagaalada sababay burburka dadka iyo dalka, waana muhiim in ay Haweenka ka qeybqaataan Nabadaynta dalka, maadaama ay dhaleen dhamaan wiilashan ku dhimanaya dagaalada, Sidoo kale Xildhibaan Caasha ayaa mar ay ka hadashay wiilasha la qalday ee ka tirsan ururka Al Shabaab, Haweenka waa Hooyo Aduunkana ma ay jirto wax ka xun oo qof nool la soo darsa Wiil Hooyadii dilaya ama qarax lagu dilayo u dhigaya, waa in Haweenka Soomaaliya ay u istaagaan kana hortagaan dhacdooyinkan xanuunka badan. ayay tiri Xidhibaan Caasha Xaaji Cilmi

Dhinaca kale Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi ayaa waxa ay Haweenka Soomaaliyeed Allaah Subxaanahu Watacaalaa Uga bariday In 8-da Maarso sanadka dambe ay ku damaashaadaan Nabad waarta, Horumar waara iyo jawi ka duwan midka ay hadda ku sugan yihiin…