Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu wehliyo Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad iyo xubno kale, ayaa gaaray Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda. Kampala waxaa aqoon kororsi u joogga Guddiyo Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.
Wefdiga Gudoomiyaha, ayaa waxaa Garoonka Entebbe ee Magaalada Kampala ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo horey Uganda u joogay, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), Qunsulka Somaliya ee Uganda iyo mas’uuliyiin kale.
Tababarka xiggaa waxa uu u billaaban doonnaa 9ka bishaan. Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo iyagu la isku yiraahdo Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah, ayaa waxaa jiri doono tababaro kale oo ay ku qaadanayaan Magaalada Kampala.
Tababarada Magaalada Kampala ku qaadanayaan Guddiyada Joogtada, ayaa waxaa lagu sheegay kuwo fududeen doono hawlaha Baarlamaanka Somaliya, ee Fadhiyada 5-aad iyo 6-aadba.
Maaha Markii Ugu Horeysay Oo Uu Gudoonka Baarlamanka Siminaar Ay Ku Kobcinayaan Aqoontooda Ay Oga Qeybgalaan Dalka Uganda.
Hoos Ka Daawo Sawiradda: