Gaalkacyo: Rag miino aasayay oo ciidanka ammaanka ay qabteen

0

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen labo ruux oo waxyaabaha qarxa ku aasayay mid kamid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ammaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in labada ruux ay ka qabteen xaafada Daraawiish ee magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo dadweynaha iyo masuuliyiinta maamulka Puntland ay inta badan maraan.

Saraakiisha ammaanka ee maamulka Puntland ayaanan wali ka hadlin dadka ay kusoo qabteen iyagoo aasaya waxyaabaha qarxa, waxaana wali socda baaritaano lagu sameynayo dadka la qabtay.

Raggan ayaa waxaa lagu xiray Saldhiga ciidamada Booliiska ay ku leeyihiin waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.