(Dhageyso+Sawirro) Garowe Oo Laga Xusay Maalinta Haweenka Aduunka.

0

Munaasibadaan lagu Xusayay Maalinta Haweenka Aduunka ayaa maanta Lagu Qabtay Magaaladda Garowe Ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Munaasibaddaan Ayaa waxaa Ka Soo Qeybgalay Musiiliyiin Ka Tirsan Dowladda Puntland Oo AY Kamid Tahay Wasiirka wasaaradda Haweenka Ee Puntland Aniso Xaaji Muumin, Waxeyna Goobta Ka Sheegtay iney Dowladdu markasta Diyaar Utahay Ka Hortagga Dhibaatooyinka Ay la Kulmaan Haweenka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Oo Asna Ka Qeybgalay Munaasibadaasi Waxaa Uu ku tilmaamay inay tahay maalin qiimo weyn, islamarkaana la xusayo doorka muhiimka ah ee Hooyada Soomaaliyeed ku leedahay qoyska dhexdiisa.

“Marka koowaad haweenku waa xoog muhiim u ah wax soo saarka iyo horumarinta Dalka waxay sidookale hooyadu door muhiim ah ka qaadataa kobcinta, Barbaarinta, Xanaanaynta iyo weliba xoogaga kale ee bulshada” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

“Waxaan rabnaa inaynu samayno si aynu xoogaa uga faa’iidaysano una hormarino wanaaga tirada badan ee hooyadu samaynayso, waxaa ugu horeeya ee aynu samaynayno waa inayu xooga saarno waxbarashada Gabdhaha ” waxaa sidaasi yiri Madaxweyne Gaas.

“Waxaan ka xukuumad ahaan hada samaynay hab cusub oo shaqooyinka loogu tartamayo waadna aragteen in shaqooyinka wasaaradaha hada tartan loogalayo, markii aanu fursad u siinay dumarka inay tartamaan waxaa dhacday in Gabdhuhu ay noqdeen kuwa ku soo baxa tartankaas “Ayuu sheegay Madaxweyne Gaas.

Xuska Sanadkaan ee Munaasibadda 8-Marso Ayaa Ka Duwan Sidii Hore Waxaanna Deegaanadda Puntland Ka kala Dhacay Munaasibadda Kala Duwan.

Hoos ka dhageyso Codka:

Daawo sawiradda:

IMG_9481 IMG_9474 IMG_9459 IMG_9455 IMG_9442 IMG_9424 IMG_9421 IMG_9412 IMG_9405 IMG_9402 IMG_9391 IMG_9384 IMG_9380 IMG_9377 IMG_9372 IMG_9368 IMG_9344