Isaga oo ka hadlayay Madaxwyne Xasan Sheekh Xuska, Maalinta Haweenka, waxa uu sheegay in heer dhamaad ah uu marayo qorshaha dowladiisa ay dalka ku gaarsiineyso awooda Maamulka, isaga oo arrintaasi u aqoonsaday mid ka mid ah Talaabooyinka ugu muhiimsan oo ay dowladda horay u qaaday.
Madaxweynaha Xasan Sheekh , ayaa markii u horeysay sheegay in ay wada hadal kula jiraan Saraakiil ka mid ah Al Shabaab hase ahaatee ma uusan bixin faahfaahin intaasi ka badan.
Waxa uu sheegay in dowladda ay wiiqday awooda Kooxda balse waxa uu tilmaamay in wali aan la yereysan Karin oo Weeraro geysan karaan.
Waalidiinta ayuu ugu baaqay Madaxweynaha isaga oo ka hadlayay Maalinta Haweenka inay caruurtooda ka wacyi galiyaan in la galiyo waxa uu ugu yeeray fikrad qaldan.
Inkastoo Dowladda hada jirta ay isku aragto in waqtigeeda 2016 ay ku gaari karto himilooyinka ay hiigsanyso hadana Dad kale oo qaarkooda lasoo shaqeeyay dowladaan ayaa rajo xumo ka muujinaya dhaqangalka hiigsigaasi.
Halkaan hoose ka dhageyso Faahfaahinta”