(Dhageyso) Shir looga hadlayay amaanka,Darisaynta Xaafadaha iyo Dardargalinta Canshuuraha oo ka dhacay Bosaso.

0

Guddiga amniga Gobolka Bari iyo Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland ayaa magaalada Bosaso ku yeeshay shir looga hadlay amaanka,Darisaynta xaafadaha Bosaso iyo hirgalinta Canshuurha Bariga,xilli Dawlada Puntlad ay horay ugu guulaysatay in Canshuuraha Bariga ay ka hirgaliso magaalada Garowe.

Wasiiradda Puntland ee ka qayb galay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa;-Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax,Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax oo Saxaafadda uga Xogwaramay shirka ayaa yiri’’….Wuxuu ahaa shirka Asbuuclaha’ ahaa ee looga hadli jiray amaanka,annaga oo Wasiiro ah ayaa ka qayb galay shirka,waxaan ka hadalnay sidii amaanka iyo hormarka magaalada kor loogu qaadi lahaa’’.

Wuxuu intaas ku daray‘’….Waxaa laga hadlay sidii loo samayn lahaa darisaynta magaalada,magaalada Bosaso waa magaalo qiimo u leh Puntland,wax dhibaato ah ma jiraan,amingu waa fiican yahay,dhismaha Garoonka ayaa socda,Dekeda waa la balaarinayaa’’.

Shire Xaji Faarax ayaa sheegay inay shirka la Guddoonsaday in la Dardargaliyo Canshuuraha Bariga,arrintaas oo uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ku hawlan tahay.

Hoos ka dhageyso: