(Dhageyso) Gudoomiye Cirfo Oo Ka warbixiyay socdaal Reysulwasaaraha ee Galgaduud.

0

Gudoomiyaha gobalka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya Xuseen Wehliye Cirfo ayaa sheegay in ka maamul ahaan diyaar ay u yihiin meel walba oo la go’aamiyo in lagu qabto shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Muduig iyo Galgaduud in ay uga qeyb galaan, walibana kaalintooda kasoo baxaan.

Gudoomiyaha Oo Wareysi Siinayay All-galgaduud Media, waxa uu sheegay in isaga dowladda Federaalka uu wakiil uga yahay gobalka Galgaduud, islamarkaana wixii ay dowladda go’aamiso iyo sidoo kale dadka gobalka aanu meel uga leexdo jirin.

Degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayuu sheegay Gudoomiyahay in isku mid ah u yihiin, islamarkaana meel walba oo shirka lagu qabanayo ay ka mid tahay un gobalka uu isaga gudoomiyaha ka yahay.

Dhanka kale mar aynu wax ka weydiinay heshiiskii dhawaan ka dhacay degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayuu sheegay in uu aad usoo dhaweynayo, islamarkaana waxa uu tilmaamay in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhaqan galka heshiiskaasi.

Degmada Dhuusamareeb ee gobalka Gal-gaduud waxaa ka socda shirka dib u heshiisiinta beelaha degan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, waxaana halkaasi ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali, iyadoo dhanka kale la filayo degmada Cadaado in lagu qabto shirka maamulka loogu sameynayo gobaladaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyo Wareysiga waxaanna wareysanaya wariyahenna yuusuf Cabdi shire: