Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa ku sifeeyay imaanshiyaha gobolkaas ee Madaxda Dowladda in ay u tahay dhiiragalin dadka Gobolada Dhexe oo dhan.
Maamulku waxa uu sheegay in hadii taas lasii joogteeyo ay keeni karto in xal loo helo dhibaatooyin badan oo ka taagan halkaas, oo ay ugu daran tahay amni xumada.
Gudoomiyaha Gobolkaas, Xuseen Wehliye Cirfo, ayaa sheegay in ay tahay dowladdu in ay dadka goboladaas kala shaqeyso sidii looga saari lahaa Xarakada Al-Shabaab.
Maaha Al-Shabaab oo kaliya ee sidoo kale waxaan ka dooneynaa buu yiri dowladda in ay kala shaqeyso dadka goboladaas ka saarista miinooyin ku aasan meelo kala duwan oo ka mid ah raadadkii Dagaaladii sokeeye.
Hoos ka dhageyso codka: