Iyadoo maanta Soomaaliya looga dabaaldagayo Maalinta Haweenka Aduunka ayaa barakacayaasha waxa ay sheegeen in ay ahayd in halka Hoteelo lagu qaban lahaa munaasabado uu qarash badan ku baxayo in ay ahayd in dowladda ay kusoo booqato Xerooyinka ay ku jiraan.
“Waxa ay ahayd in noogula yimaado Xeryaheena oo mudo kooban nalala wadaago nolosheyna” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah Barakacayaasha.
Barakacayaal badan oo xaalado dhinaca nolosha ay heysato ayaa ku jira Xerooyinka Muqdisho kuwaasi oo marar badan dalbaday gargaar bini’aadanimo.
Jamiilo Aweys Maxamed oo ka mid ah Dadkaasi ayaa u hadleysa Barakacayaasha.